Cabdirahman Cabdi Shakuur oo la Xidhay

Cabdiraxman Cabdi Shakuur oo La xidhay

Cabdi Raxman Cabdi ShakuurLahaanshaha sawirka Facebook
Image caption Cabdiraxman Cabdi Shakuur

Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa xallay u dhacay oo xiray siyaasi ka mid ah kuwa dhaliishan siyaasada Dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa ciidanka ammaanka ay xalay ka kaxeeyeen gurigiisa oo Magaaladda ku yaalla.

Wax war ah oo ku saabsan xariga siyaasigan kama uusan soo bixin dowladda, balse waxaa jirtay in shalay Xeer-Ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu sheegay in baaritaan lagu samaynayo siyaasiyiin uu kueedeeyay inay Dowladda duminayaan.

Xeer-Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto dacwad ka dhan ah labo xildhibaan oo baaritaan lagu samaynayo.

Siyaasigan xallay la weeraray ayaa ka mid ah ah rag dhaliishan siyaasada Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa horay u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo musharax madaxweyne.