Turkiga oo safaarad ka furanaaya Quddus

Turkiga oo safaarad ka furanaya Quddus

Falastiiniyiin banaanbax ka dhigayey Diyarbakir oo ka soo hor jeeda go'aankii Maraykanka uu ka qaatay Quddus.Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Falastiiniyiin banaanbax ka dhigayey Diyarbakir oo ka soo hor jeeda go’aankii Maraykanka uu ka qaatay Quddus.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu doonayo in uu falastiiniyiinta uga furo bariga Quddus safaarad uu Turkigu leeyahay.

Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay Mr Erdogan in horeba ay halkaas uga furnayd qunsuliyad.

Magaalada waxaa gacanta ku haysa Israa’iil oo ku tilmaanta caasimadeeda aan la kala qaybin karin, lamana hubo sida uu arrintan u hirgalin doono Mr Erdogan.

Hogaamiyaha Turkiga wuxuu hore u cambaareeyey talaabada uu madaxweynaha Maraykanka ku doonayo inuu safaaradiisa ugu raro Quddus, uuna ugu aqoonsanayo caasimadda Israa’iil.

Todobaadkii hore ayaa shirmadaxeed ay isugu yimaadeen dalalka islaamka waxay ku baaqeen in beesha caalamku ay u aqoonsato bariga Quddus inay tahay caasimadda Falastiin.