Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo “aan aqbalin” go’aankii maxkamadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo “aan aqbalin” go’aankii maxkamadda

Cabdiraxmaan CabdishakuurLahaanshaha sawirka ABDIRAHMAN ABDISHAKUR WARSAME/ FACEBOOK

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa go’aanka maxkamadda rafcaanka ku tilmaamay mid siyaasadeysay “oo ay ka dambeeyaan madaxda Soomaaliya”.

Maxkamadda racfaanka ayaa maanta soo saartay go’aan ay safarada dibedda uga mamnuucday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, inta uu socdo baaritaanka, sida au sheegeen dad ku dhow Maxkamadda.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ka gaaray dacwadda loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dacwadda xeer ilaaliyaha uu furay wuxuu ku tilmaamay: “Waa mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu xannibo dhaqdhaqaaqeyga siyaasadeed laguna dhaawaco magaceyga iyo sumcadeyda si loo hanjebiyo hammigeyga siyaasadeed”.

Go’aankii hore ee maxkamadda wuxuu dhigayay in aan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan geysan wax dambi, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhow maxkamadda racfaanka.

Wuxuu shirka jaraa’id ka sheegay siyaasigan in “Xuriyadda uu dastuurka siiyay wax loogu dhimay danno siyaasadeed oo ay leeyihiin madaxda xafiisyada madaxtoodayad”, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan caddeynayaa in aanan aqbalin go’aanka maanta soo baxay oo xeer ilaalinta lagu siiyay muddo baaritaan dheeraad ah”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu eedeeyay “khiyaano qaran”.

Maxkamadda oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay in ay diideen in ay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Shan ka mid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo in ay bixiyaan lacag gaareysa $2,000 oo dollar.

Saddexda qareen ee kale waxa lagu xukumay oo keli ah in ay bixiyaan ganaax lacageed oo u dhigma $2,000.

Qareennada difaacaya siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaanan xaadirin fadhigii maxakamadda oo sidoo kale laga mamnuucay warbaahinta.

Muxuu galabsaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Sida lagu qoray warbixin ay dowladda soo saartay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan waxaa lagu sheegay in ay yihiin “qiyaano qaran, khal-khal gelin iyo burburinta hannaanka dowladnimo, iyo u adeegis danno dowladdo shisheeye”. Lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda loo adeegayo.

Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto” sida uu hadalka u dhigay ka dib markii la weeraray guriga siyaasiga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaanan la xirin ka hor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo eedeymaha loo jeediyay xildhibaanada, wuxuuna ku tilmaamay talaabo lagu doonayo in lagu burburiyo dimoqoraadiyadda.

Xisbiga Wadajir ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xariga siyaasiga.