Waa Kuwama saddexda wasiir ee la magacaabay

Waa kuwama saddexda wasiir ee  la magacaabayAxmed Ciise Cawad oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda

Image caption Axmed Ciise Cawad oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda

Laba wasiir waxay horey xilal uga soo qabteen dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, balse midka saddexaad waa nin ku cusub siyaasadda oo ganacsade ah.

Halkan ka akhriso taariikhdooda oo kooban:

  • Axmed Ciise Cawad:
  • Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye):

Wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta ee xukuumaddii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirnimada ka sokow, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan.

Muddo dheer ayuu joogay koofurta, si toos ah iyo si dadbanna uu ugu jiray siyaasadda. Waxay isaga iyo Khadra Axmed Ducaale ka soo jeedaa Burco.

  • Cabdi Maxamed Sabriye:

Waa injineer ka qalin jabiyey jaamacadda umadda Soomaaliyeed, waana ganacsade. Wuxuu takhasus waxbarasho u aaday 1986 jaamacad ku taalla New castle UK.

Inta badan siyaasadda laguma yaqaanno, waxay isku deegaan yihiin Yusuf Garaad, wuxuuna qaraabo dhow la yahay Cabdiraxmaan cabdi Shakuur oo dowladda uu khilaaf kala dhexeeyo.

Wuxuu dano ganacsi ku leeyahay shirkadda isgaarsiinta ee Nationlink. Dadka yaqaanna waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin qunyar socod ah.

Wararka Xil ka qaadista:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isbedel ku sameeyay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xilalka ka qaaday saddex wasiir.

Warbixinta ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu akhriyay wasiirka warfaafinta waxaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday wasiirrada kala ah, Yusuf Garaad (Arrimaha dibadda), Khadra Axmed Ducale (Ganacsiga iyo warshadaha) iyo Cabdi Saciid Faarax (Arrimaha Gudaha).

Xilalka laga qaaday wasiirradaasi waxaa loo kala magacaabay

1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Ganacsiga iyo warshada

2. Cabdi Maxamed Sabriye, arrimaha gudaha

3. Danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibedda

Yusuf Garaad Cumar oo bartiisa Facebook soo dhigay warbixin ayaa sheegay in uu aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay, balse wuxuu sheegay in aanan lagu soo wargelin ee dadkale uu ka maqlay.

“Qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanka ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday. Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkasta oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan”, ayuu yiri Yusuf.

Wuxuu in taa ku daray “Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aniga iyo Wasiiru Dowluhu waxaan ku daahnay xalay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada.”

Lama oga sababta rasmiga ah ee wasiirradan isbedelka loogu sameeyay, balse waxaa jira warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed uu soo jiray dhowaanahan.