Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ,Kuwa Jubbaland iyo Ciidamada AMISOM oo howlgal balaaran ka wada bilaabeen Gobolka Jubada – SAWIRO

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ,Kuwa Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada AMISOM ayaa howlgal balaaran waxa ay ka bilaabeen Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Deegaano hoos taga magaalada Kismaayo.

Howlgalka ay sida wadajirka ah uga qeyb qaadanayaan Ciidamada Huwanta ah ayaa si xowli ah uga socda Gobolka Jubada Hoose, waxa ayna Ciidamada la wareegeen Deegaano la sheegay in ay horey uga talinayeen Al-Shabaab.

Ciidamada Wada jirka ayaa maanta si nabad galyo ah waxa ay kula wareegeen Deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Kismaayo qiyaas ahaana ujira 60KM, deegaanka ayaana fariisimo waxaa ku lahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa Howlgalkan cusub ee loogu magac daray wabiga-Jubba ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalkooda ayna ka saarayaan dagaalyanahada Al-Shabaab deegaanada ay ka joogaan Gobolada Jubooyinka.

Ciidamada Howlgalka wada ayaa sidoo kale la raashin macaawino ah waxa ay u qeybinayeen dadka shacabka ah ee kunool deegaanada ay Al-Shabaab kala wareegeen, waxa ayna ciidamada soo dhaweyn kala kulmeen deegaanada ay gaareen.

Maamulka Jubbaland ayaa horey ugu dhawaaqay Howlgal loogu magac daray Wabiga Jubba ay ka fulinayaan Deegaanada Maamulkooda ay gacanta ku hayaan Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.