Turkey oo shaqada ka joojisay 11,000 macalimiinta lagu tuhmay inay iney xidhiidh la leeyihiin kooxda PKK..

Dowladda Turkiga ayaa ganaaxday in ka badan 11,000 oo macallimiin looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda la mamnuucay ee Kurdishka.

Tallaabadan ayaa kuso aadeesa iyada oo madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in Turkey ay qabanayaan howlgalka ugu weyn ee abid ee ka dhanka ah kooxda PKK ee koonfurta bari dalkaasi.

“Waxaan dibada keeneena shaqaalaha rayidka ah oo la xidhiidha PKK ,” ayuu yiri Erdogan oo kulan kula jiray gudoomiyayaasha ‘magaalada Ankara tani waa talaabada muhiimka ah ee dagaalka aan iyaga kula jirno.

” Wadar ahaan 11.285 shaqaalaha “ku xiran ururka -argagixiso ee la mamnuucay ayaa shaqada si ku meel gaar ah looga joojiyay ayaa lagu qoray “,boggooda Twitter-ka ee wasaaradda waxbarashada Turkey maalintii Khamiistii.

Macallimiinta la ganaaxay ayaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin PKK, ama xisbiga Shaqaalaha Kurdistan kuwaa oo heli doona saddex meelood laba mushaarkooda ilaa dhamaadka baaritaan rasmi laga sameenayo, sida lagu sheegay Wakaaladda wararka Anadolu ee dawlada maamusho.

Turkey ayaa PKK u aqoonsaday urur “argagixisada”.