Codadka ay heleen iyo magacyada xubnaha Beesha isaaq u matalaya aqalka sare ee maanta Muqdisho lagu doortay…

Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland, waxaana la doortay 6 kursi.

Doorashadan maanta ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Guddiga Doorashooyinka Dalka, Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland iyo xubno kale.

Doorashadan Aqalka Sare ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, maadaama kuraasta qaar ay ku tartamayeen Saddex xubnood.

Kursigii ugu horeeyay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi oo helay 29 cod, sidoo kalena ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale Muno Cumar Xasan oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda ayaa ku guuleysatay kursigii Afaraad ee xaubnihii maanta lagu doortay Mgaalada Muqdisho.

Xubnaha maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin.

  1. Cabdi Xaashi cabdulaahi oo helay 29 cod
  2. 2.Muxyadiin Sheekh Cali oo helay 41 cod
  3. Mustaf Maxamed Godax oo helay 42 cod
  4. Muno Cumar Xasan oo heshay 32 cod
  5. Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 40 cod
  6. Cabdirisaaq Axmed Nuur oo helay 39 cod

Ciidanka Amaanka iyo kuwa AMISOM ayaa aad u sugaya ammaanka guud ee xarunta Gaadiidka Booliska ee Doorashada ay ka dhaceyso