Codbixinta Jarmalka oo bilaabatay iyo Merkel oo markii afraad guul raadinaysa

Goobaha codbixinta ee waddanka Jarmalka ayaa furmay iyadoo dadkuna ay codkooda ka dhiibanayaan doorashada guud ee Federaalka ee dalkaasi, taas oo la saadaaliyay in Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ay xilkeeda ku soo laaban doonto.

Waxa ay doonaysaa in markii afraad loo doorto xafiiska iyo weliba in xisbigeeda Christian Democrats uu dib ugu soo laabto aqlabiyadda baarlamaanka Jarmalka.

Xisbiga SPD ayaa ah xisbiga ugu weyn ee ay is hayaan midka Merkel.

Xisbiga midig fog ee AfD ayey u badan tahay in markii ugu horraysay uu soo galo baarlamaanka, waxaana laga yaabaaba inuu noqdo xisbiga ugu weyn mucaaradka.

Goobaha codbixinta ayaa furmay 8-dda subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah waxaana la albaabada loo xiri doonaa 6-da makhribnimo.

Natiijada hordhaca ah ee ugu horraysa ayaa la filayaa inay soo baxdo kaddib marka la xiro goobaha codbixinta.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah sababtoo ah markii ugu horraysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxaa laga yaabaa in lix xisbi ay kuraas ku yeeshaan baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag.

Natiijada noocaas oo kale ah ayaa waxaa macquul ah inay ka dhigan tahay inuu isbadel ku imanayo isbahaysiga haya talada dalka.

Dadka dhaleeceeya xisbiga ka soo horjeeda muhaajiriinta ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu yahay mid u janjeera dhinaca dhaqamadii Nazi-ga.