Macon: UK waa inay arrimaha kala caddeysaa

Dowladda UK waa inay soo bandhigtaa qeexid cad oo dheeraad ah oo ku aaddan halka ay ka taagan tahay ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, waxaa sidaas yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Emmanuel Macron ayaa sheegay in arrimaha muwaadiniinta Midowga Yurub, qodob sharciyeedka kala baxa iyo su’aasha ka taagan xuduudda Ireland ay qasab tahay in la isla meeldhigo ka hor inta aanan la qaban wadahadallada ganacsiga.

Jimcihii, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa hadal ay jeedisay waxa ay ku soo qaadday dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin muddada labada sanno ah ee xilliga kala guurka kaddib bixitaankii Britain ee Midowga Yurub, iyo qarashka ay UK siinayso Midowga Yurub ee salka ku haya waxyaabihii horay loogu heshiiyay.

Waxa ay rajaynaysaa in hadalka ay ka jeedisay Talyaaniga iyo waxyaabaha ay soo jeedisayba ay wadada u xaari doonaan inay bilowdaan wadahadallada Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.

 

Jawaabtii ugu horraysay ee uu khudbadda Theresa May ka bixiyay hogaamiye Midowga Yurub ka tirsan ayuu Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macon, ku soo dhaweeyay waxyaabaha ay soo bandhigtay, hasayeeshee waxa uu sheegay in meesha ay Britain ka taagan tahay arrintan weli loo baahan yahay in la sii qeexo.

Dhanka kale xubno caan ah oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Britain, Theresa May, taas oo ay ku doonaysay inay ku soo afjarto ismariwaaga ka taagan wadahadallada ay Britain uga baxayso Midowgaasi.

Hasayeeshee waxa ay dalbadeen inay faafaahin dheeraad ah ka bixiso ballanqaadkeeda ku aaddan qeybta arrintan looga qorsheeyay miisaaniyadda UK iyo damaanadda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku nool Britain.