Congereska Maraykanka oo diiday codkii qayaxnaa ee Obama ku diiday in lagu dacweeyo dowlada Sacuudiga weerarkii 11-kii Sebteembar sanadkii 2001-kii.

Aqalka Congereska Maraykanka ayaa diiday codkii qayaxnaa ee Madaxweyne Obama uu ku diiday in la dacweeyo dowlada Sacuudiga kaalintii la sheegay in ay ku lahayd weerarkii 11-kii Sebteembar sanadkii 2001-kii.

Ehelada dadkii lagu laayay weerarkii daaraha dhaadheer ee New york ayaa doonaya in ay dacweeyaan dowlada Sacuudiga oo ay rumeysan yihiin in ay ka dambaysay wiilashii waday diyaaradihii lagu dhuftay daarahaasi mataanaha ah.

Xitaa taageerayaasha ugu weyn ee madaxweyne Obama ayaa arrintan ku gacan seyray, waxa ayna rumeysan yihiin in qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi ay xaq u leeyihiin in ay maxkamad tagaan

Guddi baaritaan oo weerarkaasi loo saaray ayaanan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in saraakiil sarsare oo Sacuudi ah ama xitaa dowladda Sacuudiga ay maalgelisay raggii weerarkaasi fuliyay.

Basle waxaa jira shaki hoose oo ah in dad aan xilal weyn hayn ay arrintaasi ku lug lahaayeen.

Madaxweyne Obama ayaa arrintan ku tilmaamay mid khalad ah isla markaana horseedeyso waddo xun oo ah in sidoo kale dacwad lagu soo oogo ciidamada Mareykanka ee hawlgalada ka fuliyay waddamda shisheeye.

Wareysi uu siiyay telefishinka CNN ayaa Obama waxa uu sheegay in siyaasadda arrintan khuseysa ay aad u adag tahay.

dhashay Boqortoyada Sacudi Carabiya.

codka-veto-ob-1

codka-veto-ob-2

codka-veto-ob-3

codka-veto-ob-4