Askari katirsanaa Ciidankii Kenya ee lagu qabtay Dagaalkii Ceel Cadde oo Fariin soo diray – SAWIRO

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay fariin Muqaal ah ay kasoo duubeen askari katirsanaa Ciidanka milatariga Kenya ee ku qabteen Weerarkii ay ku qaadeen saldhig ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde 15-kii bishii Janaayo ee 2016-ka.

Askarigan Al-Shabaab ay soo bandhigeen ayaa lagu magacaabaa Loanard Maingi Kiiyo , waa 40-sano jir ku dhashay deegaan lagu magacaabo Tulimani oo ka tirsan qeybta booni ee raacsan degmada Makueni ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay askarigan gacanta ugu jira dagaalyahanada Al-Shabaab in Ciidanka Kenya uu ku biiray 1997-dii, waxa uuna tilmaamay in shaqadiisa ay aheed dhinaca caafimaadka kalkaaliye uuna soo bartay cilmiga caafimaadka.

Askarigan maxbuuska ah ayaa sheegay in Soomaaliya uu yimid gaar ahaan xerada Ceel Cadde ay ku lahaayeen Ciidanka Kenya 1-dii bishi January ee sanadkan 2016-ka, waxa uuna intaa raaciyay in 15-maalin kadib nolosha kusoo qanteen Al-Shabaab halkaasna ku dileen askar badan oo Kenyan ah.

Fariinta uu soo diray askarigan ayuu kaga dlabaday ehelkiisa iyo dadka waxgalka ah ee kunool dalka Kenya in ay ka shaqeeyaan sii deysmadiisa, waxa uuna si gaar ah qoyskiisa ugu dalbaday in ay usoo duceeyaan.

”Fariinteyda ugu horeysa waxaan u dirayaa qoyskeyga iyo qaraabadeyda guud ahaan. Waxaan doonayaa in aan u sheego in aan jeclahay oo aan u duceeyo, iyagana aan ka rajeynayo in ay ii soo duceeyaan. Maxbuus ahaan rajada kaliya ee aan leeyahay waa iyaga, Waxaan ka codsanayaa in ay aadaan Odayaasha dhaqanka, Kaaba-qabiilada, gudiyada, xildhibaanada,Senatarada, iyo gudoomiyeyaasha gobolada oo ay ka dalbadaan in ay kala shaqeeyaan sii deynteyda iyo sidii aan xuriyadeyda ku heli lahaa. Xaqiiqdii waxaan ku jiraa xaalad xun oo rajo beel ah, waxaana doonayaa in aan dib ugu soo noqdo Kenya. Ayuu yiri Loanard Maingi .

Maxbuuskan ayaa sidoo kale fariin gaar ah u diray Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta, waxa uuna ka codsaday in uu qaado tilaabo kasta oo macquul ah oo noloshiisa lagu bad baadin karo laguna soo deyn karo isaga iyo raga kale ee la xiran.

”Uhuru Kenyatta, mudane madaxweyne adiga ayaa ah Abaanduulaha guud ee ciidamada Kenya, waxaana raacnaa awaamiirtaada haddii aan nahay ciidanka, waxaan qaadanay towjiihaadkaaga, waxaana ka gudubnay xuduudda oo waxaan galnay Soomaaliya, ka dibna waxaan aadnay magaalada Ceel-Cadde, halkaas oo ay nagu soo weerareen Al-Shabaab 15-kii January ee sanadkan 2016-ka, Waxaan isku daynay in aan is difaacno laakiin waa nala jabiyey, hubkeeniina gacanta ayaa lagu dhigay. In ka badan 100 askari ayaa la dilay, Aniga iyo koox saaxiibadeyda ahna nolosha ayaa lagu qabtay, hadana waxaan nahay maxaabiis marka mudane madaxweyne adiga ayaa leh awood iyo sharciyad buuxda oo aad ku xaqiijin karto in aan ka soo baxno jeelka Al-Shabaab ee Soomaaliya, Waxaan kaa codsanayaa mudane madaxweyne adiga iyo dhamaan hogaanka dowlada Kenya in aad dib uga fikirtaan mowqifkiina oo aad Alshabaab kala hadashaan sidii aan xuriyadeena ku heli lahayn” AYuu yiri Maxbuuskan Fariinta soodiray.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa Ciidamo kasoo jeeda dalalka Kenya iyo Uganda, waxa ayna askartan ku qabteen weeraro kala duwan ay qaadeen, waxa ayna sidan oo kale Al-Shabaab dhawaan baahiyeen muuqaalka askari Ugaandhees ah oo isna fariin u dirayay shacabka iyo Dowlada Uganda.