C/rashiid Xidig “Waxaa nahay Xisbi ee ma nihin qolo Mucaarad ah” (Sawirro)

????????????????????????????????????

C/rashiid Xidig “Waxaa nahay Xisbi ee ma nihin qolo Mucaarad ah” (Sawirro)

by A M | Thursday, May 18, 2017 |

May 18 (Jowhar)— Guddoomiyaha Madasha Horusocod C/rashiid Maxamed Xidig oo goor dhow shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho, isaga iyo Xildhibaanada ka midka ah Madasha ayaa ka hadlay hadafkooda iyo ujeedada ay sameeyeen Madashan.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in aysan iyagu aheyn mucaarad, isla markaana dowladda aysan si gaar ah mucaarad ugu aheyn, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in waxa ay isu baheysteen uu yahay in Horusocod, dalkana la hormariyo.

“Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

C/rashiid Xidig ayaa meesha ka saaray wararka suuqa loo geliyay ee ku saabsan qorshaha loo sameeyay madasha, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan in dalka ka gudbo nidaamka 4.5, loona gudbo nidaamka xisbiyada.

“Maadaama dalkan la rabo inuu horusocod, lagana gudbo nidaamka 4.5, waxaa rabnaa inaan noqono xisbi dalkan ka dhisan, xildhibaan kastana waxaa laga rabaa in labo sano kaddib inuu xisbi ka tirsanaado”ayuu yiri Xidig oo intaa ku daray in cid kasta ay u furan tahay inay ku soo biiro horusocod

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay dhowr Xildhibaan oo iyana ku dheeraaday hadafkooda, waxaa ay xuseen in ujeedkooda yahay isla xisaabtan, wixii qaldan ay saxaan, balse aanay sida wararka baraha bulshada loogu sheegayo.

Madasha Horusocod oo maalmo ka hor looga dhawaaqay Nairobi ayaa lagu wadaa inay noqdaan cudud siyaasadeed oo aqlabiyad ku lahaata Baarlamaanka, waxaana hadii si rasmi ah loo hirgeliyo ay noqonayaan Xisbigii u horeeyay ee Baarlamaanka ka dhex sameysma, kuwaasoo yeelan doona saameyn siyaasadeed.