Sacuudiga oo shir isugu keenaya Trump iyo Al Bashiirka Suudaan

Sacuudiga oo shir isugu keenaya Trump iyo Al Bashiirka Suudaan

Hay'adda caalamiga ah ee dambiyada ayaa raadinaysa madaxweyne Al Bashiir iyadoo u haysata eedaymo dambiyo dagaalLahaanshaha sawirka STR/AFP/GETTY IMAGES
Image caption Hay’adda caalamiga ah ee dambiyada ayaa raadinaysa madaxweyne Al Bashiir iyadoo u haysata eedaymo dambiyo dagaal

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa martiqaaday madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku eedaysan dambiyo dagaal si uu uga qayblao shir ay yeelanayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hogaamiyeyaaasha Carabta iyo Muslimiinta.

Madaxweyne Bashiir ayaa Sacuudiga u safri doona Jimcaha, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ibrahim Ghandour.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in uu rajaynayo in Maraykanku uu cunaqabataynta ka qaado Suudaan bisha todobaad ee sannadkan, wuxuu intaas ku daray in uu rumaysan yahay in Maraykanku uu doonayo in uu caadi ka dhigo calaaqaadka ay leeyihiin.

Mararykanku ma uusan xaqiijinin sheegashadaas.

Cunaqabatayno dhanka dhaqaalaha ah ayaa la saaray Suudaan sannadkii 1997-dii ka dib markii xukuumadda lagu shaambadeeyay dalalka “taageera argagixisada”.

Madaxweyne Barack Obama ayaa saxiixay bishii koobaad ee sanadkan amar uu ku dabcinayo cunaqabatayntii saarnayd, arrintaas ayuuna sameeyay wax yar uun ka hor markii uu ka dagayay xilka. 

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa markaas sheegay in go’aankaas looga gollahaa in laga garaabo dadaallada xukuumadda Suudaan ee ku aadan yaraynta dagaalada dalka gudahiisa ka jira, in ay wax ka qabatay siddii loo caawin lahaa dadka gargaarka u baahan iyo in ay xakamaysay “argagixisada”.

Obama ayaa 25 todobaad dib u dhigay yaraynta cunaqabataynta si dawladda Suudaan ay u sii wado isbadalladii ay samaynaysay.

Si kastaba ha ahaatee calaaqaadka Maraykanka iyo Suudaan ayaan dareen la’aan ahayn wakhtiyadii dambe.

Suudaan ayaana ka mid ahayd todobo dal oo maamulka Trump uu soo bandhigay in laga mamnuuco in dadkoodu ay u safraan Maraykanka, dalalka kale ee ku weheliyay waxay kala ahaayeen Soomaaliya, Ciraaq, Liibiya Yemen, Suuriya iyo Iiraan.