(07/08/2016) Daadadkii ugu xumaa muddo boqol sano ah oo ku dhuftay Sudan & khasaare xoogan oo ka dhashay (Daawo Sawirro)

Daadad ka dhashay roobab xoogan iyo fatahaado ayaa ku dhuftay inta badan gobollada dalka Sudan kuwaasoo geystay khasaare fara badan.

Roobab mahiigaan ah oo da’ayay wax ka badan 5 maalmood oo xiriir ah ayaa sababay fatahaado khasaara badan dhaliyay, iyadoo dowlada wadankaas ay sheegtay in daadadkan ay yihiin kuwii ugu xumaa ee dalkaas soo mara ku dhowaad 100 sano.

Daadadkan ayaa burburiyay buundooyin, beero, wadooyin iyo guryo dad shacab ah deganaayeen, Wasaarada arrimaha gudaha Sudan ayaa ku dhawaaqday in 13 gobol oo ka tirsan 18-ka gobolka ee dalkaas uu ka kooban yahay ay ka jirto xaalad musiibo.

Ugu yaraan 71 ruux ayaa ku dhintay daadadkan iyo Fatahaadahan iswatay, iyadoo gobolka Kasala looga dhawaaqay xaalad deg deg ah markii tobaneeyo carruur iyo haween ah ay daadadku la tageen ayna burbureen kumanaan guryo ah.

Meelaha roobabkan ay saameeyeen waxaa ka mid ah magaalada caasimada ah ee Khartuum oo wararku sheegayaan in garoonkeeda dayuuradaha ee caalamiga ah uu ku sigtay mar inuu shaqada joojiyo ka dib markii biyo fara badan ay saameeyeen howlihii garoonka.

Webiga Niil ee mara wadanka Suudaan ayey wararku sheegayan inuu biyo xad-dhaaf ah keenay taasoo sababtay inuu ku fataho magaalooyin iyo degaano ay horeyba daadadku dhibaatooyin ugu geysteen.

Dad Malaayiin qof gaaraya ayaa la sheegay iney ku barakaceen daadadkan iyo fataahadahan iswata kuwaasoo xeryo looga sameeyey degaanada joogoodu sareeyo ee biyuhu aysan sameynta badan ku yeelanin, iyadoo qaar ka mid ah dowladaha carabta ay gurmad deg deg ah dayuurado ku gaarsiiyaan wadanka Sudan.











Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com