(08/08/2016) Dhowr milyan oo qof oo isugu soo baxay meel fagaare ah Turkiga

Dhowr milyan oo qof ayaa isugu soo baxay meel fagaare ah dalkaasi Turkiga si ay u dhaleeceeyaan afgambigii dhicisoobay dhawaan. Dadkaa ayaa tiradoodu sare u dhaaftay shan milyan waxaana khudbado usoo jeediyay Madaxweyne Raccep Tayyip Erdogan iyo masuuliyiin kale oo dawlada dalkaasi ka tirsan.

Erdogan ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasoo celiyo xukunka dilka ah oo muddo wadankaa ka laalnaa. Wuxuu sheegay in baahi loo qabo si wixii muteysta loogu qaado. Dadkaa ayaa u dhaga nuglaa oraahdiisa iyo waxyaabihii uu soo jeedinaayay ayagoo si gaar ah ugu waafaqsan in xukunkaasi lasoo celiyo maadaama meelo badan oo caalamka ah oo ay kujiraan Yurub qeybo ka tirsan iyo Mareykanka uu weli kajiro.

Waxay sidoo kale cambaareeyeen wadaadka Fethullah Gulen oo lagu eedeyay asaga iyo xulafadiisu inay soo abaabuleen afgambigaa dhicisoobay ee laisku dayay 15kii Luuliyo ee sanadkaan oo ah bishii aanu kasoo gudubnay. Dadkaa malaayiinta ah ee isugu soo baxay meesha fagaaraha ah ayaa sitay calanka dalkaa qof waliba qiyaas ahaan.

Waxay sidoo kale siteen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ay uga soo horjeedaan afgambiga dhicisoobay iyo wixii soo abaabulay intaba. Sidoo kale ayay siteen boorar ay halkudhagyo ay kutaageerayaan dawlada iyo Madaxweyne Erdogan ay ku qoranaayeen.