Daawo Puntland ”Hasha geela cunta ee Cabaadda weeye Soomaliland” (Video)

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntand Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir-jaraaid ku qabtay xafiiskiisa wasaaradda ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq, Afduubka dad shacab ah loogu gaystay degaanka Caynaba Iyo hadalkii Sacad Cali Shire.

Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo Puntland kala galayso Somaliland ee ku adan arrimaha Gobolka Sool, mar la weydiiyey in ay jiraan dadaalo beesha calamku ay wado oo la xiriira dhexdhaxadin labada Maamul ayuu yiri ”JEEGAAANTU ( Somaliland ) waa Hasha Geela Cunta oo hadana cabaada, Arrinta beesha calamkana ma jiraan cid aan Wadankayaga wada hadal kala galayno, cidii hadal rabtaa waa inay ciideedii tagtaa oo ka baxaan dhulka aanay lahayn” Wasiir Qarjab.

Wasiir Qarjab waxaa uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed Gobol kasta haka yimadeene aan laga lahayn oo ay joogi karaan,imaan karaan, waxkabaran karaan, ka ganacsan karaan aysana jirin cid waxyeelaynaysa ,waxana aaminsanahay in aan dhulka laga lahayn isu socodka bulshada aan cidna xanibaad u gaysan Karin.