Laanta Socdaalka Itoobiya oo markii u horraysay Jigjiga baasaboor ka bixisay

Laanta socdaalka iyo jinsiyadda ee dalka Itoobiya ayaa xafiis baasaboorrada laga bixiyo ka furatay magaalda Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhibaatooyin ay safar dheer ka mid tahay ka mudan jiray qaadashada baasaboorka oo ay Addis Ababa u doonan jireen.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay xafiiska cusub iyo adeeggan muhiimka ah ee dadka loo sahlay.