Daawo Ra’iisal wasaare Kheyre oo booqanaya dalka Jabuuti

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta halkaa kulamo kula yeesho madaxda ugu sareysa dalkaasi Jabuuti.

Kheyre waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Maanta ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareysa dalka Jabuuti gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadashaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

“Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho ku yimid dalka Jabuuti, wuxuuna ka jawaabayay marti qaad hada kahor Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti u soo diray, sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaaraha dalkan iyo Madaxweynaha Jabuuti, waxay ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka qeybgalay shirki Golaha Amniga Qaranka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaaalada Baydhabo.