Proff. Xaamud Maasheeye oo dawlada Somalia ugu baaqay in halka milyan ee ay ugu deeqday gobolka Awdal in Haydahaha khayriga ee Gobolka Awdal iyo Salaadiinta lagu wareejiyo.

Halka Milyan eey dawlada Soomaalidu ku dhawaaqday in lagu caawinaayo dadkii aay dhibaatadu ka soo gaadhay duufaankii Sagar ee gobolka Awdal wuxu macaawimo dhab ah noqon doonaa hadii lacagtaa loo dhiibo:

1. Haydahaha khayriga ah ee Gobolka Awdal iyo Salaadiinta.

2. Hadii loo dhiibo lacagtaa hayadaha caalamiga ah ee u soo gurmaday dadkaa tabaaloobay.

3. Hadii loo soo mariyay lacagtaa dalka Djibouti oo xad la leh Awdal, horayna dadka reer Awdal ugu soo gurmaday.

Laakin hadii lacagtaa loo dhuubo Musa Bixi, markaa ma noqoneeyso lacag loogu tala galay abaaraha. Waxay noqoneeysaa lacag lagu kaalmeeynaayo Soomaalidiidka si aay hub ugu iibsadaan ooy Soomaalida ajandahooda diidan u cabudhiyaan.