Daawo: Xiisadii Ceel-afwayn oo dib u Curatay, Madax dhaqmeedka Labada dhinac oo Warbaahinta iska Weeraray

Waxaa weli taagan Xiisada Ceel-afwayn iyadoo Halkaasi uu dagaal khasaare kala duwan gaystay ku dhexmaray Beelo wada dega deegaankaasi, Waxaana Hadalo kulul Warbaahinta hada isku marinaya Madax dhaqameedka Labada dhinac.

Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Suldaanka Beesha Biciido (Habarjeclo) ayaa si kulul uga hadlay hadal kasoo yeedhay Boqor Faysal, Wuxuuna sheegay in Dhinaca kale ay dagaalka u dhan yihiin, Wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan.

Xukuumadda Hargeysa Weli kuma guulaysan inay Xal ka gaadho Colaadaasi oo soo Noq-noqotay, Waxaana hada Muuqata inay Madax dhaqameedkii demin lahaa dab kusii shidayaan.