Baarlamaanka iItoobiya oo laalay xaaladdii degdegga ahayd

Baarlamaanka Itoobiya oo laalay xaaladdii degdegga ahayd

Baarlamaanka dawladda Itoobiya ayaa laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka sarnayd tan iyo bishii Maarso.

Golaha wasiirrada ayaa isku raacay in la qaado xaaladdii degdega ahayd ee dalkaas la galiyay dibad baxyadii iyo Isbadalkii siyaasadeed ee dhacay ka dib.

Ra’iisulwasaarahii hore ee Itoobiya ayaa is calisay dhawaan, isaga oo sheegay in uu waddada u xaarayo in dalka ay ka dhacaan isbadallo siyaasadeed lana dhagaysto dalabka shacabka.