Dacwado lagu soo oogay Saipov

 

 

Dacwado lagu soo oogay Sayfullo Saipov


Sayfullo Saipov, the suspect in the New York City truck attack is seen in this handout photo released, Nov. 1, 2017, by St. Charles County Department of Corrections.

Sayfullo Saipov, the suspect in the New York City truck attack is seen in this handout photo released, Nov. 1, 2017, by St. Charles County Department of Corrections.

Dacwad-oogayaasha federaalka Mareykanka ayaa dacwado argagixiso kusoo oogay nin kasoo jeedo dalka Uzbekistan oo ku eedeysan inuu sideed ruux oo rayid ah gaari ku jiirsiiyay Talaadadi magaalada New York.

Dacwadaha lagu soo oogay Sayfullo Saipov, ayaa waxaa ku jira inuu taageero maaddi ah siinayay koox argagixiso ah iyo inuu burburiyay baabuur.

Saraakiishi ku wareystay sariirta uu ka jiifo isbitaalka lagu daweynayo, ayaa sheegay inuu Saipov ku adkeystay inuu ku faraxsanyahay waxa uu sameeyay.
Waxa kale oo uu u sheegay danbi-baarayaasha inuu qorsheynayay weerarka uu ka geystay New York muddo todobaadyo ah.

Sayfullo Saipov, oo ah 29 jir ayaa baabuur kuwa xamuulka qaada ah oo uu soo kireystay dul marsiiyay dad lugeynayay iyo kuwo ku socdaay bashkalooti oo marayay waddo mashquul badan oo loogu tala galay baaskiilada.

Booliska New York ayaa caloosha ka toogtay kadibna u qaaday isbitaal maxalli ah.