Dagaal daahsoon oo “lagu dumin karo” kuuriyada Waqooyi

Dagaal daahsoon oo “lagu dumin karo” Kuuriyada Waqooyi (BBC)

Thae Yong-hoLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Thae Yong-ho wuxuu ahaa safiir ku xigeenkii Kuuriyada Waqooyi ee Britain

Nin ka soo goostay Kuuriyada Waqooyi ayaa Congress-ka Mareykanka u sheegay in macluumaad lagu faafiyo gudaha dalkaas looga adkaan karo maamulka Kim Jogn-un.

Thae Yong-ho ayaa sheegay in burburinta sumcadda Kim Jogn-un lagu wiiqikaro awoodda maamulkiisa. Taas oo ula jeedo dagaal qabow oo afka ah in lala galo.

Dadka Kuuriyada Waqooyi “ma doonayaan dacaayadda maamulka, waxayna daawadaan aflaan iyo sheekooyiin si qarsoodi ah looga gudbiyo Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yiri.

Mr Thae wuxuu ahaan jiray ku xigeenka safiirka Kuuriyada Waqooyi u fadhiya UK, wuxuuna baxsaday sanadkii tagay.

Wuxuu ka mid yahay saraakiishii ugu sareysay ee horey uga baxsaday maamulka Pyongyang.

hadalka Mr Thae uu ka horjeediyay golaha Sharcidejinta Mareykanka wuxuu imaanayaa xilli Trump uu qorsheynayo in uu safar ku tago qaaradda Aasiya, gaar ahaan dalka Kuuriyada Koonfureed.

Xiisadda u dhexeysa reer Galbeedka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa hawada isku shareertay bilihii la soo dhaafay ka dib markii hub culus uu tijaabiyay maamulka Pyongyang.

Mr Thae ayaa sheegay “Wax ayaan bari karnaa shacabka Kuuriyada Waqooyi taas oo noqon karta in aan wararka dibadda ugu geyno gudaha.”

Wuxuu sidoo kale saraakiisha ku baraarujiyay in ay mar la kulmaan hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, si loo fahmo waxa uu aaminsan yahay iyo in lagu qanciyo in nukliyerkiisa uu sababayo burbur baaxad leh.

Kim Jong-unLahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Thae urged US officials to meet Kim Jong-un at least once

“Waxaa lagama maarmaan ah in la texgeliyo haddii aan isku deyeyno dhammaan fursadaha aan militariga ahayn ka hor intaan la go’aansan duullaan dagaal oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri Mr Thae.

Dadka waxay helaan macluumaad badan oo dibadda ah oo lagu gaarsiiyo cajalado yaryar oo si fudud dalka lagu gelin karo, ayuu yiri ninkaa ka goostay maamulka Kim.

Dhallinyarada Kuuriyada Waqooyi qalabkan yar waxay ugu yeeraan “kaarka sanka” sababta oo ah waxaa lagu qarin karaan sandullaha, ayuu tusaale u soo qaatay.

“Mareykanka balaayiin dollar ayuu ku bixiyaa ka hortagga halista militari, balse immisuu ku bixiyaa dhaqdhaqaaqa macluumaadka, sanadkiiba? nasiib darro, aad bay u yartahay,” ayuu yiri.

Dadka ka goostay dowladda Kuuriyada Waqooyi waa kuwa keli ah ee macluumaad ka haya nolosha gudaha dalkaasi, balse dadka dhaliishan waxay sheegayaan in hadalka dadkan aan lawada aamini karin.

Qaar ka mid ah dadka soo goosta waxay dhowr goor bedaleen waxyaabaha ay ka sheekeeyeen.