Dad loo qabtay weerarkii Manchester

Dad loo qabtay weerarkii Manchester

Salman AbediLahaanshaha sawirka ,
Image caption Shakhsiyaad ka tirsan qoyska ninkii fuliyay weerarka Manchester ayaa la qabtay

Haweeney ayaa noqotay qof lixaad ee loo qabto weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay booliska sheegeen in ay baarayaan “shabakad” la rumaysan yahay in ay ka dambeysay qaraxaasi.

Boolisk ayaa sheegay in ay xireen haweeneydaasi, ka dib markii ay xoog ku galeen guri ay ka deganeyd Blackley, waqooyiga Manchester.

Salman Abedi oo habeenkii Isniinta isku qarxiyay bandhig faneed ay dhigaysay gabadha heesaaga ah ee Ariana Grande, ayaa qaraxaasi ku dilay 22 qof, ayadoo ay ku dhaawacmeen 64 kale.

Ramadan oo ah aabaha dhalay ninka qaraxa fuliyay, iyo Haashim oo ay ninkaasi walaalo yihiin ayaa lagu qabtay caasimadda Tripoli ee dalka Liibiya.

Sidoo kale Ismaaciil oo la dhashay ninka weerarka geystay ayaa Taaladadii lagu qabtay Chorlton, oo ku taalla koonfurta Manchester.

Heerka khatarta argagixisada ee UK ayaa la gaarsiiyay halka ugu saraysa, taasoo ka dhigan in weerarro dheeraad ah ay dhici karaan.

Askar milateri ah ayaa la dhigay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda London.