Dagaa ba’an oo ka dhacay Xeraal

Dagaa ba’an oo ka dhacay Xeraal

Dagaalka waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qofLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDagaalka waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof

Dagaalka oo duhurnimadii Khamiista billowday ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 40 qof.

Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo miliishiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.

Weli rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa Deegaanka xeraale, mana jiro dadaal nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in halkaa loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah.