Dagaal ku dhex maray xalay duleedka Baardheere Alshabaab iyo ciidamada Kenya

Iska horimaad hubeysan ayaa ku dhex maray xalay duleedka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamada Kenya iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay halka lagu magacaabo Juungal ayaa la sheegay in ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee  ka dhashay dagaalkan hase yeeshee waxaa wararka ay sheegayaan in qasaare badan uu ka dhashay dagaalkan.

Al-shabaab iyo ciidamada Kenya midna kama hadlin dagaalka Xalay ku dhexmaray duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ururka Alshabaab ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay dagaalada uu kula jiro ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada waxaana ay ku soo beegmayaan dagaaladan iyadoo lagu wado in toddobaadyada soo socda ay bilowdaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.