Sacuudiga oo sheegay in gantaal nooca riddada dheer lagu soo weeraray magaalada barakeysan ee Makka.

Sucuudiga ayaa ku eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta Yemen in ay gantaal kuwa ridada dheer ah u soo rideen xaga magaalada Maka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in gantaalka lagu soo riday meel dhexe oo lixdan kiiloomitir u jirta magaalada barakaysan wax khasaare ahna aanu geysan.

Wakaaladdu waxa kale oo ay sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu hogaaminayo ee ka dagaalamaya Yemen, ay daqiiqado ka dib duqaysay goobtii laga soo ganay gantaalka.

Xuutiyuuntu se waxay sheegeen in gantaalka ay ku rideen oo ay la beegsanayeen madaarka caalamiga ah ee magaalada Jidda oo qiyaastii boqol kiiloo mitir u jirta magaalada Maka