Dalka Faransiiska oo xidhaya xerada qaxootiga ee Calais

In kabdan 1200 oo askari oo ka tirsan booliska dalka Faransiiska iyo saraakiil kale ayaa la filayaa in maanta ay billaabaan in ay kummanaanka qof ee qaxootiga ah ka saaraan xerada muhaajiriinta ee ku taala magaalada Calais ee dalkaasi.

Muhaajiriintani ayaa waxaa basas lagu geyn doonaa meelo kale oo ka tirsan dalkaasi, halkaa oo ay u suurtagali doonto in ay magangelyo codsadaan.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa sheegaya in ay doorbidayaan in ay waddooyinka seexdaan halkii laga saari lahaa xeradaasi.

Xeradan ayaa hooy u ah qiyaastii 8000 oo qof oo ah muhaajiriin doonaya in ay galaan dalka deriska ah ee Britain.

Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa doonaya in usbuucan ay muhaajiriintani ka saaraan xeradan isla markaana ay xeradaasi burburiyaan .

Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa halkaasi ka dhacayay isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo kooxo muhaajiriin ah.