Jose Mourinho oo sheegay in Antonio Conte Man United bahdilay!

Tabobaraha Chelsea, Antonio Conte, aya sheegay in aanu “cidna ku maadsanayn” ka dib markii ay kooxdiisu 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Man United oo ay ku wada ciyaarayeen garoonka Stambford Bride dadkuna dabbal deggiisii u qaateen inuu ku maadsanayey Jose Mourinho.

Conte ayaa taageerayaasha kooxdiisa ee garoonka fadhiyay gabagabadii ciyaarta ku dhiirriyey inay aad ugu qayliyaan kooxdii ka soo horjeeday, wararka qaarna waxaabay sheegeen in Mourinho markii siidhigii ciyaarta lagu soo xidhayay lagu dhuftay uu ninkan Talyaaniga ah ee Chelsea tabobara ku yidhi waxaad samaynaysa waxay bahdilaad ku tahay “Manchester United”.

Laakiin Conte aya isna yidhi “aniguba ciyaartoy baan ahaan jiray oo aqaan sida dhaqanku yahay. Cid kasta waan ixtiraamaa xataa Manchester United”.

Goolashii ay dhaliyeen Pedro, Gary Cahil, Eden Hazard iyo N’Golo Kante ayaa Mourinho oo sannadkii hore kooxda Chalsea shaqada ka eriday markii ugu horraysay ee ay iska horyimaadaan ku noqday niyad jab aan laga soo waaqsan karin.

Mourinho ayaa raali galiyey taageerayaasha Man United waxaanu yidhi “Maadaama aan ahay hogaamiyihii kooxda waa gar in aan raali gelin bixiyaa, waxa keliya ee aan odhanayaana waxa weeyi in aan 100% aaminsanahay Man United ee aaney daacadnimadaydu ahayn 99% Man United ah iyo 1% aan u qabo Chelsea. Aad bay ii taabatay dhacdadani laakiin jawaabta keliya ee aan hayaa waxa weeyi tabobar aanu bilowno Isniintaba iyo in aanu wax iska celino”.