Dawlada Iiraan oo sheegay inay samayn doonaan wax la yaab leh hadii Trump uu ka baxo heshiiska Nuclearka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iran ay gaari doonaan “go’aano u gaar ah” oo ay uga jawaabayaan xadgudubyada ka mid ah heshiiska nuclear 2015 , isagoo intaa ku daray in Jamhuuriyadda Islaamiga ah “ay ka fajicin doonaan” Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump haddii uu heshiiska baab’iyo.

Zarif ayaa hadalkan ka sheegay caasimada dalka Malaysia, Kuala Lumpur, maalintii khamiista, halka oo uu la hadlayay saxaafada ka dib shirka gaarka ah ee wasiirada arimaha dibada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Mar la weydiiyay arinta ku saabsan Trump oo ku balanqaaday ololahiisii doorashada inuu tirtiri doono heshiiska nuclear, Zarif ayaa yiri.

“Wax kasta oo uu sameeyo ee heshiiska nuclear, annagu kama walaacsanin , sababtoo ah waxaan heysanaa go’ano noo gaar ah.”

Heshiiska oo, loo yaqaan Qorshaha Guud ee Midaysan ee (JCPOA), ayaa waxa ku heshiiyay Iran iyo wadamada quwada leh ee P5 + 1 – Mareykanka, Russia, China, Britain iyo France oo lagu daray Germany – bishii July 2015.