Daroogiistaha khatarta ah ee reer Mexico «El Chapo» Guzman oo laga dejiyay dalka Mareykanka

Garoon diyaaradeed oo ku yaal jasiiradda Long Island ee magaalada New York ayaa waxaa xalay saq dhexe laga dejiyay daroogiistaha caanka ah ee reer Mexico Joaquin El Chapo Guzman.

Mr. Guzman, oo laba jeer oo hore ka baxsaday xabsiyo aad loo ilaaliyo oo ku yaal dalka Mexico, ayaa la geeyay magaalada New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dhowr eedaymo oo ka dhan.

Sidoo kale ninkan ayaa waxaa loo doondoonayaa ka ganacsiga daroogada, abaabulka falal dambiyeed iyo in uu si sharci darra ah lacago ugu dhex dirayay gobollada California iyo Texas ee waddanka Mareykanka, halkaas oo laga yaabo in u wajaho dil.

Elchapo Guzma ayaa madax ka ahaa mid ka mid ah kooxaha dambiilayaasha ah ee ka dhisan gudaha waddanka Mexico, kooxdaasi oo lagu magacaabo Sinaloa Cartel, ayaa lagu eedeyay inay daroogo gayso waddanka Maraykanka.