Dawlada Turkiga oo markab macaawino keeentay dekedda Berbera kadib markuu ka soo jawaabay abaarihii gobolka Awdal – VIDEO

Dawlada Turkiga ayaa maanta soo gaadhsiisay dekeda Berbera markab mucaawino ah oo sida shan ku oo tan oo ka kooban daqiiq iyo sonkor. Dawlada Turkiga ayaa ka soo jawaabtay baaqii hore loogu diray ee ahaa in loo soo gurmado dadka abaaruhu ku habsadeen ee goboka Awdal.

Maaha markii ugu horaysay ee dawlada Turkigu mucaawano keento Berbera, 2013 kii bay ahayd markii ay keentay shan kun oo tan oo kale.

Qunsulka Hargeysa u jooga dawlada Turkiga oo halkas ka hadlay ayaa sheeegay in dawladisu mucaawinooyin badan ay bixiso oo ku saabsan dhinacyada horumarka.

Raashinkan waxaa ka gudoomay dawlada Turkiga maamulka Hargeysa, wareejintiisana cid ka joogtay gudida abaara gobolka Awdal ma jirin.

waase aynu ka dhur sugi bal sida aw ka yeelo maamulka Hargeysa muscaawanada wakhtiga loo baahnaa timid.