Shacabka ku dhaqan Koonfurta Gaalkacayo oo maanta dhigay bannaanbax looga soo horjeedo duqayntii askarta Galmudug – SAWIRO

Shacabka ku dhaqan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta bannaanbax ka dhigay halkaasi, iyadoo ay si wayn uga horyimaadeen weerarka dhinaca cirka ee saakay lala beegsaday Ciidamada Galmudug.

Bannaanbaxayaasha, ayaa taayeero ku gubay wadooyinka, waxayna ka dalbadeen Puntland iyo Mareykankaba inay raaligelin ka bixiyan duqayntaasi.

Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), Wasiirka Amniga ee Galmudug, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqayntan lala eegtay kolonyo ay la socdeen dagaal-yahanada Al Shabaab.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta, ayaa tilmaamay in duqayntaasi lagu dilay ugu yaraan 22 ka mid ah Ciidamada Galmudug, sida uu yiri.

Dhinaca kale askartii ku dhimatay duqayntaasi, ayaa maanta aas loogu sameeyay duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana ka qaybgalay dadka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

1475071231f97c5.jpg

1475071233b744f.jpg

1475071234eb234.jpg

14750712356f1f6.jpg

14750712377dd3e.jpg

147507123954867.jpg

14750712416eb12.jpg

1475071243e22f5.jpg

1475071244f3525.jpg

1475071246865cb.jpg

1475071249d1335.jpg

1475071251b294f.jpg

1475071253eb3c9.jpg

14750712545b282.jpg