Dawladda Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Wajiga koobaad Ee Tira Koobka Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Wajiga koobaad Ee Tira Koobka Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wajigii koowaad ee qiimeynta tirada Ciidamada xoogga dalka ee diiwaan gishan, iyadoo warbixinta lagu sheegay in ciidamada la diiwaan geliyay ay hada gaarayaan 26-kun askari.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in qiimeyntan lagu sameeyay ciidamada ay tahay tii u horeysay, isla markaana wajiga labaad ee qiimeynta oo dhameystiran dhowaan la soo bandhigi doono.

 

“Qiimeynta waa markii u horeysay ee ciidamada xoogga dalka lagu sameeyo, waxaa la sameeyay xog uruurin ku saabsan ciidanka tiradiisa, tayadiisa, saanada uu heysto, deegaanadiisa, tababarada ay heystaan iyo hoggaankooda”ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

 

Wasiirka ayaa sheegay in tirada hada daraasada lagu ogaaday ciidamada ay gaarayaan 26-kun askari, isla markaana qeybta labaad ee daraasadan lagu ogaan doono tirada rasmiga ah ee ciidamada.

 

Waxaa uu sheegay in daraasada laga sameeyay dhamaan gobolada dalka iyo meelaha ay joogaan ciidamada, isagoo xusay in kaliya ay ka dhinaayeen guutooyin dhowr ah oo aan wali daraasad lagu sameeyn.

 

Sidoo kale waxaa uu xusay in wajiga labaad ee daraasada lagu kala saari doono ciidamada howl gabka ah, kuwa xanuunsan iyo kuwa agoonta ah, isla markaana dhowaan uu Baarlamaanka meel mariyay sharciga xaqsiinta ciidamada.