Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay dadkii maalmo ka hor lagu laayay deegaanka Oromada Itoobiya, kaddib markii loogu galay xero ay gabaadsadeen oo ay lahaayeen Booliska.

Dadka la laayay oo ahaa Soomaali ku noolaa deegaanka Oromada ayaa ka badan lixdameeyo ruux, iyadoo xabaal wadareedyo lagu aasay 64 ruux la soo saaray, halka kuwa kalena la baadigoobayo, si tirada rasmiga ah la isugu uruuriyo.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdixim Cigaal Cumar ayaa sheegay in la isku qaldayo dadka la laayay iyo isku dhacii xuduuda, isagoo xusay in dadka hada la laayay ay ahaayeen dad degenaa Bartamaha deegaanka Oromada, isla markaana aanay wax shaqo ah ku laheyn waxyaabihii ka dhacay xuduuda labada deegaan.

Waxaa uu sheegay in dadkaas aanay waligood arkin deegaanka Soomaalida, isla markaana aanay luqada Soomaaliga xataa aqoon, balse dhiiggooda uu Soomaali ahaa, qarniyo ka hor degenaa, isagoo tilmaamay in dadkaas muddo afar bilood la cunaqabateeyay, markii xiisada bilaabatay.

Madaxweyne kuxigeenka DDSI ayaa sheegay in dadkaas markii cabsi soo wajahday ay gabaad u aadeen Saldhiga Booliska Oromada, halkaasna loogu tagay lana xasuuqay sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu tilmaamay in 64 ruux oo meydad ah laga soo saaray xabaal wadareedyo lagu aasay, isla markaana ay baadigoobayaan meydad kale, si ay tirada rasmiga ah ee lagu laayay deegaanka Oromada u xaqiijiyeen, waxaana uu qiray in tirada ay intaas ka badan karto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu xasuuqa dhacay uu u saaray Guddi, isla markaana baaritaan uu socdo, waxaana uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay raadinayaan xuquuqda dadkii la laayay iyo sidii cidii ka dambeysay sharciga loo horkeeni lahaa.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray isku dhacyo u dhaxeeyay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ku nool Itoobiya, waxaana isku dhacyadaas ku dhintay dad fara badan, iyadoo ay ku barakaceen boqolaal qoys.