Deg-deg: Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas Siraaji oo Muqdisho lagu diley

Wasiirki Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  fiidnimadii caawa lagu diley magaalada Muqdisho. Cabbaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo kamid ahaa dhalinyaradii ku korey xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ahaa 31 jir waxaana lagu tilmaamey wasiirka ugu da’da yar ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka soo gaaraya Horseed Media ayaa sheegaya in ilaalada Wasiirka iyo ilaalo kale oo uu watey Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  Nuur Jimcaale ay is rasaaseeyeen oo kala shakiyeen, sidaasna uu ku geeriyoodey Wasiirku. Wararku waxay sheegayaan in Hantidhawrka Guud ee Dowladda Federaalka wax dhib ah soo gaarin waxaana uu ku dhexjirey gaari aan xabbadu karin.

Geerida Wasiirka Hawlaha guud waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow.

Madaxda Dowladda federaalka ayaa wadata ilaalo aad u badan, waxaana sugida amniga madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan uga baxa dhaqaale aad u badan.