Madaxweynihii labaad ee Galmudug oo la doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

Waxaa maanta oo Arbaca ah magaalada Cadaado ka dhacday doorashadii Madaxweynaha Galmudug kadib markii Madaxweynihii hore Cabdikariim Xuseen Guuleed uu is casiley.

Doorashada waxaa ka soo qaybgalay wefdi ka socdey Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) iyo marti sharaf kale oo badan.

Doorashada waxaa ku tartamaayey saddex musharax oo kala ah:

Axmed Ducaale Geele Xaaf
Axmed Shariif Hilowle
Prof. Cabdulqaadir Shirwac

Xildhibaanada ka qaybqaatey doorshada ayaa tiradoodu ahayd 89 Xildhibaan.

Wareegii hore ee doorashada ayaa waxaa si weyn hoggaamiyey Axmed Geele Xaaf inkasta oo aanu helin codad u diidi kara in doorashadu marto wareeg labaad taas oo ahayd 59 cod, waxaana uu helay 57 cod.

Musharaxa ku soo xigey Axmed Shariif Hilowle ayaa helay 24 cod oo kaliya halka Prof. Shirwac uu helay 10 cod, waxaana xumaadey hal cod oo keliya.

Musharaxa kaalinta labaad galay Axmed Shariif Hilowle ayaa diidey in uu tanaasulo isaga oo aan helin codad uu wareega labaad uga soo bixi karo marka la eego tirada badan ee codeysey musharax Xaaf.

Wareegii labaad ayaa doorashada loo gudbey, waxaana guushu raacdey Axmed Geele Xaaf.

Axmed Geele Xaaf ayaa helay 54 cod
Axmed Shariif Cali Hilowle 34 cod
Waxaa xumaadey hal cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Galmudug ayaa ku dhawaaqey in Axmed Xaaf uu yahay Madaxweynaha cusub ee Galmudug, waxaana isla goobta ku dhaariyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Axmed Geele Xaaf ayaa horey u ahaan jirey Hoggaamiye kooxeedyadii koonfurta Soomaaliya waxaana uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaney deeganaadaas, waxa uu maamuli jirey garoonkii diyaaradaha ee macmalka ahaa ee lanbar 50 ee Shabeelada Hoose, sanadkii 2004 waxa uu galay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku jirey tan iyo sanadkii 2016.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay shaqada u horeysa ee uu qabanayo in ay tahay in aan xabbad danbe dhicin, dib u heshiisiin uu samayn doono.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa Horyaala shaqoyin aad u culus:

  • Heshiis maamulku la galo maamulka Ahlu-sunnah ee Suufiyiinta ee ku dhawaaqey maamulka Gobolada Dhexe kana taliya dhul weyn oo kamid ah Galguduud oo ay ku jirto xarunta gobolka ee Dhuusamareeb, Waxaa dhawaan burburey wada hadal la doonaayey doorashada ka hor in la isugu keeno, waxaana la aaminsan yahay in xalku sahlanaa ka hor doorashada Xaaf.
  • In badan oo kamid ah magalooyinka Galguduud oo ay kamid yihiin Ceel Buur, Ceel Dheer, Galcad iyo dhamaan kuwa dhaca xeebta Badda Hindiya ,al-Shabaab ayaa ka taliya.
  • Maamulku malahan il dhaqaale, nidaamka canshuurtuna ma hirgelin waxaana uu ku taagnaa taageerada Dowladda federaalku siin jirtey oo markaas uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo aad ugu dhawaa Cabdikariim Xuseen Guuleed.
  • Dhanka kale waxaa jira khilaafka Gaalkacyo oo marar badan gacan ka hadal gaarey, Madaxweynaha cusub ee Galmudug Xaaf ayaa horey ugu canbaareyey Cabdikariim Xuseen Guuleed in aanu arrinta Gaalkacyo si wanaagsan u maareyn haddii isaagu ahaan lahaa Madaxweyne wax ka qaban lahaa xaaladda.

Dadka sida weyn u yaqaana Xaaf ayaa sheegaya in aanu ahayn nin ka shaqeyn kara nabad ku soo dabaalida Galmudug iyo dib u heshiisiin uu ka keeno Ahlu Sunnah, taas oo ah shaqooyinka ugu waaweyn ee horyaala.