Madaxweynaha Khaatumo Oo Muqdisho U Dhoofaaya iyo Kulan Dawladda Soomaaliya Dhexmaraaya

Deg Deg:Madaxweynaha Khaatumo Oo Muqdisho U Dhoofaaya iyo Kulan Dawladda Soomaaliya Dhexmaraaya

Iyadoo magaalada Muqdisho casimada soomaaliya uu ka Socanaayo Qaban Qabada Horudhaca shirweynaha Khaatumo Islamarkaana Halkaasi ay Ku qulqulaayan Siyaasiyiin iyo Waxgaradka Deegaanka Khaatumo ayaa waxaa jira wefti Maamulka Khaatumo kamid ah oo Iyana xamar u dhoofaaya.

 

Madaxweynaha  Khaatumo cabdul cagalule iyo Wefti Uu hogaaminaayo ayaa La filaaya inay ka duulan Buuhoodle una duulaan dhanka iyo Caasimada soomaaliya muqdisho.

 

Ujeedka safarka madaxweynaha Khaatumo xamar ayaa ah Kulamo dhexmaraaya madaxweynaha Khaatumo iyo madaxweynaha Soomaaliya,raysal wasaaraha Somalia. Kulamadaasi oo looga hadlaayo dardar galinta gacan siin iyo In dawladda soomaaliya Kaalin Libaax leh ka qaadato Shirka Buuhoodle.

 

Shirkan La filaayo in uu Buuhoodle ka dhacayo ayaa Si horudhac ah dhawaan waxaa Loogu qaban doona Muqdisho.

PROMOTED CONTENT