Dawladda Itoobiya Taageeraysa Maamulka khaatumo iyo shirka Buuhoodle

Dawladda Itoobiya Taageeraysa Maamulka khaatumo iyo shirka Buuhoodle

Dawladda Itoobiya ayaa lagu waramayaa inay soo dhawaynayso dhismaha maamul goboleed degaanada Sool Sanaag iyo Cayn,sida ay xaqiijinayaan mas,uuliyiin ka tirsan dawladda federaalka soomaaliya kuwaa oo xidhiidh hoose la leh dawlada itoobiya

 

Dawladda Itoobiya oo inta badan ilaalisa danaheeda ayaa ka xun fara-galinta dawladda imaaraadka ay la wareegtay dakadaha boosaaso iyo berbera ee maamulada somaliland iyo puntland taasoo soo dadajisay inay si cad u taageerto dhismaha maamul goboleed degaanada Sool Sanaag iyo Cayn

 

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo baxayay hawlaha dardargalinta ay wadaan xildhibaanada dawladda federaalka soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada SSC kuwaa oo ka dhex-shaqaynayay in maamulka puntland ogalaado dhismaha maamul ay yeelato degaanada sool sanaag iyo cayn,