Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Xalay Geeriyooday iyo Taariikhdiisa

 

Muqdisho (Kalshaale) Allaha u naxariistee Taliyihii u horeeyay ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Abshir Muuse ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Marxuumka ayaa horay uga soo qeyb qaatay dhismihii ciidamada Soomaaliya iyo halgankii xornimada doonka, waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii u horeeyay ee ciidanka qalabka sida.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii iyo umaddii Soomaaliyeed uu ka geeriyooday.

HALKAN KA DHAGAYSO TARIIKHDIISA

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka ku sifeeyay inuu ahaa shaqsi karti, dhowrsanaan, daacadnimo iyo dal jaceyl ku sifoobay, isla markaana uu kaalin ka qaaday dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed muddo 10 sano uu hoggaaminayay.

Allaha u naxariistee Maxamed Abshir wuxuu 1926-dii ku dhashay Xarardheere, 1943-dii ayuu ku biiray ciidamo Ingiriisku dhisay, 1958-60 wuxuu noqday Taliyaha ciidamada difaaca Soomaaliya, isagoo noqday sarkaalkii ugu horeeyay ee qaata darajada Janaraal oo weliba ku qaata da’da ugu yar 32 sano jir.

1960-1969 kii wuxuu ahaa Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyey, waxaa shaqada laga joojay markii Alla Ha’unaxariistee ay Madaxweyne Sharmaake isku khilaafeen qaabkii Doorashada, Febraayo 1969 ayuu xilkaasi iska casilay.

1969 waxaa xirtay Dowladdii Alla ha’unaxariistee Maxamed Ziyaad Bare waxaa lasii daayey sanadkii 1982, wuxuu ka mid noqday saxiixayaashii Manifesto.