Qarax xooggan oo lagu diyaarinayay guri oo caawa laga maqlay Muqdisho

Qarax xooggan oo lagu diyaarinayay guri oo caawa laga maqlay Muqdisho

by A M Wednesday, Oct 25, 2017 
October 25 (Jowhar)— Qarax xooggan oo lagu diyaarinayay guri ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in khasaare dadkii diyaarinayay ay waxyeelo soo gaartay.

 

Guri ku yaala Xaafada Buurka Diikow ee degmada Kaaraan ayaa laga maqlay qarax xooggan, waxaana qaraxa kaddib ku baxay Ciidamada ammaanka.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inuu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray raggii waxyaabaha qaraxa diyaarinayay.

Ciidamada ayaa hareereeyay guriga, waxaana ka socda baaritaan, mas’uuliyiinta ammaanka ayaa lagu wada inay saxaafada soo tusaan guriga uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxan lagu diyaarinayay guri ku yaal degmada Kaaraan ayaa ku soo aadaya 11 maalmood kaddib markii qarax lagu dhamaaday uu ka dhacay Isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo ruux.

Dhinaca kale Haweeney Sarkaal boolis aheyd ayaa caawa lagu dilay Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, rag ku hubeysan bastoolad ayaa la sheegay in haweeneydan ay ku toogteen dukaan ganacsi oo ay ku laheyd xaafadaas.

Ragga dilka geystay ayaa iska dhigay kuwo wax ka iibsanayay dukaanka, waxaana ay la soo baxeen bastoolado, iyagoo qeybaha sare ee jirka ka toogtay, iyagoo markii dambe baxsaday