DHAGEYSO: Puntland Oo Digniin u Dirtay Somaliland Xiliga Doorashada Iyo Xiisad Cusub

Maamulka Puntland ayaa ka digay sanaadiiqda codbixinta Doorashada Somaliland in la keeno degaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, oo Puntland ay sheegtay in ay maamusho.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cabdi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in ay ka diyaarsan yihiin in dhiig uu ku daato is qabqabsi ka yimaada in Somaliland ay sanaadiiq keento degaanada Puntland.

Halkan ka Dhageyso Codka:

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ugu baaqay arrintan in ay si ka fiirsasho leh u adeegsadaan, oo ay ka iska ilaaliyaan dagaal iyo kicin bulsho.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay Somaliland in looga baahan yahay in ay masuuliyad iska saarto in ay si wanaagsan ku qabsato Doorashadeeda, oo aysan sababin inuu dhiig daato.