“Dowladda Islaamka” oo 741 qof “ku dishay” Mosul

Ururka la baxay dawladda Islaamka ayaa “dilay” ugu yaraan 741 qof oo shacab ah intii uu socday dagaalka magaalada Mosul, sida ay ku warrantay Qaramada Midoobey.

Dagaallamayaasha kooxda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay dad badan afduubteen si ay uga dhigtaan dhufeys ay uga gabadaan ciidamada caalamiga ah ee duullaanka ku ah.

“Kuwa mas’uulka ka ah waa in ay ka jawaabaan ficilka naxariisdarada ah ee ay geysteen,” ayuu yiri madaxa guddiga xuquuqda aadaha ee Qaramada Midoobey, Zeid Raad Al Xuseen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la baarayo tacaddiga ay geysteen ciidamada Ciraaq.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in 461 qof oo kale oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymaha ay geysteen ciidamada Ciraaq iyo Mareykanka, laga soo billaabo bishii November ee 2016 illaa July 2017.

Wadarta guud, 2,521 qof oo shacab ah ayaa la dilay, 1,673 kalena waala dhaawacay intii uu socday howlgalka militari ee ururka la baxay dowladda Islaamka looga saarayo magaalada Mosul, sida lagu xusay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey.

“Go’aan kooxda ka soo baxay bishii November ee 2016-kii ka dib, IS waxay qaaday weerarro si toos ah ugu wajahnaa shacabka,” ayaa lagu xusay warbixinta.

“Duullaanka waxaa ka mid ahaa, duqeyn, qaraxyo iyo toogasho,” sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey.

Khariidaddan hoose waxay muujineysaa sida qeybta qadiimiga ah ee magaalada Mosul ay u burburtay.