Diyaarado dagaal oo lagu arkay hawada Degmada Qandala iyo dadkii deegaanka oo ka cararay guryahooda..- VIDEO

Diyaarado dagaal, ayaa waxaa lagu arkay iyagoo joog hoose ku duulaaya hawada Degmada Qandala ee Gobolka Bari, xilli Degmadaasi ay toddobaadkii hore la wareegeen xoogag taabacsan Daacish.

Saciid Maxamed Waaberi, Gudoomiyihii hore ee Degmada Qandala, ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta shisheeye ay ku soo dhawaadeen Xeebta Degmadaasi.

Saciid Maxamed Waaberi oo hadda xisaabiye ka ah Wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa qeexay in qoysaskii deganaa Degmadaasi ay gebi ahaanba isaga carareen guryahooda.

Waxaa uu tilmaamay in dadku ka baqeen in ay duqeymo Degmada Qandala ka gaystaan diyaaradaha iyo maraakiibta shisheeye, maadaama ay haystaan Degmadaasi dagaal-yahanada sheegtay inay daacadda u yihiin Daacish.

Saciid Maxamed Waaberi, ayaa hay’adaha gargaarka iyo dadka deegaan ahaan ka soo jeeda Qandala, isla-markaana wax haysta ugu baaqay inay u gurmadaan dadka soo barakacay.