Michel Aoun ayaa loo doortay madaxweynaha Labnaan kadib khilaaf socday mudo dheer

Baarlamaanka Labnaan ayaa u doortay Michel Aoun inuu noqdo madaxweyne, iyadoo dhamaynaysa in ka badan laba sano iyo bar oo waddanka uu ahaa madaxweyne la’aan khilaaf siyaasadeed darteed.

Madaxweynaha cusub oo ah Kiristaanka Maronite ayaa balan qaaday inuu ka difaaco Labnaan “dabka ka socda gobolka.”

Mr Aoun ayaa waxaa taageeray kooxda shiicada ee awooda badan ee Xisbullah.

Musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka hortagay, kooxda Suniga ee Future Movement ilaa heshiis la gaaray bishan.

Waxaa la arki doonaa in hogaamiyaha Future Movement, Saad Hariri, uu noqdo ra’iisalwasaare.

Mr Aoun, oo 81-jir ah ayaa ahaa taliye ciidan, wuxuu helay 83 cod ee baarlamaanka 128-da kursi ah fadhigoodii 46-aad ee ay ku dooranayeen madaxweynaha..