Doodii ugu horeysay oo fool ka fool ah oo dhex martay Donald Trump iyo Hillary Clinton – VIDEO

Doodii u horeysay oo fool ka fool ah ayaa xalay dhex martay Musharaxiinta ku loolamaya xilka Madaxweynaha Mareykanka ee Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Doodan oo aheyd mid laga daawanayay Telefishinada, isla markaana dadka ay aad u xiiseynayeen ayaa labada Musharax waxay diirada saarayeen meelaha ay ku kasban karaan dadka Mareykanka, oo ay kaga doonayaan inay codkooda uga helaan.

Hillary Clinton ayaa muujisay khibradeeda iyo waayo aragnimadeeda 30-ka sano ee ay siyaasada ku soo jirtay, waxaana Musharaxa kale Donald Trump ay mar walba ku dureysay in aanu khibrad laheyn.

Donald Trump ayaa doodiisa aheyd mid uu ku doonayay taxadar ka muuqatay, isla markaana aad isu ilalainayay, maadaama xanaaq iyo aflagaado looga bartay.

Mr Trump ayaa sheegay in hadii uu xilka qabto uu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta Mareykanka, isla markaana uu dhaqaalaha dalka hagaajin doono.

Sidoo kale Hillary Clinton ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto in xiriir fiican dhex mari doono Booliska iyo dadka laga tirada badan yahay.

Ms Hillary Clinton ayaa ka muuqatay diyaarsanaan marka laga hadlayo fal celinta su’aalaha doodaha, waxaana iyada iyo Donald Trump ku kala duwanaayeen arrimo badan.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay Hillary Clinton inay qaladaad badan sameysay markii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoo si gaar ah uga hadlay tallaabadii Iiraan loogu fasaxay Nuclear-ka inay ka dhaliso Korontada.

Warbaahinta Mareykanka ayaa is bar bar dhig ku sameynayay labada dhinac marka la eego sida ay isku soo diyaariyeen, gaar ahaan Hillary Clinton ayaa aad looga dareemay sida ay isku soo diyaarisay, isla markaana sheegtay inay leedahay khibrad iyo dabci Madaxweynenimo, halka dhanka kale Donald Trump ku tilmaamtay in aanu laheyn khibrad iyo dabeecad Madaxweyne.