MADAXWEYNE XASAN : Hindiya Waxaan kala Hadlaynaa Hindiya dhallinyarada ay ku xukuntay dalkeeda

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay Sameyneyso Dadaal kasta oo lagu Xaqiijinayo in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Xiran dalka India dib dalka loogu soo celiyo.Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somalia ku xiran Magaalada Mumbai ee Gobolka Maharashtra uu kala hadlay Arrintooda Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, isla markaana labada dal uu haatan u socdo wadahadal sharciga ah oo arrintan lagu xalinayo.

“Waxaan ku bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo safaaradeenna magaalada New Delhi oo iyagoo kaashanaya Qareennada u doodaya maxaabiista si fiican u gudo-galayy dacwadda wiilashan xiran,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay warar uu sheegay in lagu marin habaabinayo oo beryahan warbaahinta kusoo noqnoqday. isagoo yiri. “Wararka beryahan ay isla dhex-marayeen qalabka warbaahinta ee ahaa inay jiraan in 50 Soomaali ah oo xukun dil ah lagu riday waa kuwo been abuur ah, dadka ayaana lagu jahwareerinayey.

Sida ay safaaraddeena iyo qareenada inoo xaqiijiyeen Dambiyada dhallinyaradan Soomaalida ah lagu haysto kuma jirto wax ay ciqaab dil ah ku muteysan karaan. Waxaana rajeynayaa in dadaalada socda ay mar dhow mira dhali doonaan.”Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran Hindiya, ayaa tiradooda ay boqol kor u dhaafeysaa, waxaana ay ku eedeysan yihiin dembiyo burcad badeednimo.Ugu dambeyntii, Muddadii dhexeysay 2012-kii illaa 2014-kii waxay Dowladda Somalia ka shaqeysay, kuna guuleysatey sii deynta 98-maxaabiis Somalia ah oo ku kala xirnaa Dalalka India iyo Maldives.