Doorashada USA: Donald Trump oo khilaaf iyo xiisad ka dhex abuuray xisbiga Jamhuuriga (Video)

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump ayaa xiisad horleh ka dhex abuuray xisbigiisa kadib markii uu cambaareyn kala kulmay qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbigaasi oo dhaliilay hadalada qalafsan ee uu Trump la beegsaday qoyska Askari muslim ah oo ku dhintay dagaalkii Ciraaq.

 

Xiisada u dhaxeysa Trump iyo Qoyska Khan ee Askariga ku dhintay Ciraaq ayaa bilaabatay xiligii uu socday shirweynihii xisbiga Dimuquraadiga halkaasi oo uu khudbad uu kasoo jeediyey Aabaha dhalay askari muslim ah ku cambaareeyey hadalada cunsuriga ah ee uu Trump la beegsado Muslimiinta.

Balse jawaabihii uu Donald Trump ka bixiyey arrintaasi ayaa xiisado horleh keenya, isagoona diiday inuu raali gelin siiyo qoyskaasi. Waxaana hadalada Trump cambaareeyey Afhayeenka Baarlamaanka Paul Ryan oo kamid ah hogaanka xisbiga Jamhuuriga iyo waliba Madaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Aqlka Senateka iyagoo ku tilmaamay hadala Trump oo khaldan. Waxaa sidoo kale murashaxa cambaareyn kala dul dhacay Senato John Mccain oo horey usoo noqday Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi.

Trump oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegay inuusan taageeri doonini xildhibaanada xisbigiisa ka tirsan ee kasoo horjeestay kuwaasi oo dhawaan u loolami doona kuraastooda Aqalka Kongareeska iyo Senate-ka. Paul Ryan iyo Senator Mccain ayuu sheegay inuusan ku taageeri doonin in markale loo doortay labada Aqal ee Baarlamaanka, arrintan oo xiisad horleh ka dhex abuurtay xisbiga Jamhuuriga.


Horseed Media