Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay 20 ruux oo Muslimiin Sunni ah

Dowlada Iran ayaa sheegtay in ay daldashay 20 ruux oo ay ku eedeeysay inay ka dambeeyeen weeraro hubeysan. Warbaahinta dowlada Iran ayaa shaacisay in dadkan la daldalay Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayna mas’uul ka ahaayeen dilka haween iyo carruur sanadihii u dhexeeyay 2009-2011.

Dowlada Iran ayaa dad gaaraya 977 ruux xukun daldalaad ah ku fulisay sanadkii aynu ka soo gudubnay sida ay sheegtay hay’ada Amnesty International.

Ururada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa waxa ay ku eedeeyeen dowlada Iran xukunkan ugu dambeeyay ee ay fulisay iyagoo sheegay in maxkamadihii qaaday xukunka aysan ahayn kuwo si caddaalad ah u dhacay.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo xaruntiisu tahay Maraykanka  “International Campaign for Human Rights in Iran” ayaa sheegay in mid kamid ah dadka la daldalay Shahram Ahmadi uu sheegay in dacwada lagu soo oogay ay dhamaanteed ahayd mid been ah oo si qasab ah qiraal loogaga dhaliyay.

Looma oggolaan qoysaska iyo ehelada dadka la daldalay in ay soo booqdaan kahor inta aan la daldalin.

Xeer ilaaliyaha guud Mohamed Jayad Montazari ayaa u sheegay taleefishinka Iran in ragga la daldalay ay xubno ka ahaayeen urur la magac baxay Tawhid and Jihad Group ayna ka yimaadeen deegaanada Kurdiyiinta.

Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaantay dalka Iran inuu yahay wadanka labaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay lagu fuliyay xukun dil ah iyadoo dalka Shiinaha uu yahay dalka kaliya ee ka tiro badnaa wadanka Iran.

Sidoo kale dalka Pakistan ayaa lagu fuliyay xukun dil ah dad gaaraya 326 ruux, halka boqortoyada Sacudi Carabiyana lagu fuliyay 158 ruux.