Doorashadii Iceland: Pirate Party oo guul ka soo hoyey doorashadii dalkaas

Doorashadii maalintii Sabtida ee shalay ka dhacdey dalka Island ee Waqooyiga Yurub ayaa noqotey mid lama filaan ah kadib markii warbaahinta gudaha Island iyo tan caalamkuba ay sheegeen in xisbiga guushu raaceyso uu noqonayo Pirate Party (Xisbiga Burcadda).

Xisbiga Pirate Party ayaa noqdey kan saddexaad, waxaana uu sameeyey hormar ballaaran inkasta oo guushii la sadaalinaayey oo dhan aanu helin, markii hore ayaa loo sadsaalinaayey in xukuumadda la soo dhisi doono kuwa bidixda.

Xisbiga midigta ee Independence Party ayaa helay codadka ugu badan oo noqdey kan ugu weyn ee dalkaas.

Xisbiga Pirate ayaa doorashadan ka hor baarlamaanka ku lahaa saddex Xildhibaan oo keliya waxaana ugu darsamey 6 Xildhibaan oo ay hadda leeyihiin 9 Xildhibaan. Baarlamaanka iceland ayaa ka kooban 63 Xildhibaan oo keliya.

Raysalwasaarih hore ee Island Sigmundur Gunnlaugsson ayaa is casiley kadib fadeexadii Panama-papers ee la ogaadey in xaaskiisu ay saami ku leedahay shirkad la yiraahdo Wintris oo ka diiwan gashan British Virgin Islands.

Xisbiga Pirate Party ayaa ah anti-establishment, ka soo horjeeda qaabka siyaasadda dalalka Yurub u dhisan tahay, waxaa isugu tegay dhalinyarada loo yaqaan Internet Activist, Hackers-ka iyo kuwa ka soo horjeeda hantigoosadka iyo waxa loo yaqaana Cawlmada Globalization, macnaha keliya ee Pirate Party soomaali ahaan loo hayo ayaa lagu sheegi karaa Xisbiga Burcad-badeed.

Dalka Iceland ayaa kamid ah dalalka caalamka ugu deggan, waa dal aad u qabow oo baraf badan, dadka ku nool ayaa ka yar tiro ahaan 330 000 oo qof, kuma jiro Midowga Yurub.